XOG:- Madaxda shirka madasha wadatashiga qaran oo hal arrin isku raacay (AKHRISO)

Wararka naga soo gaaraya xarunta madaxtooyadda Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in madaxda shirka madasha wadatashiga qaran ay isla garteenĀ in loo baahan yahay muddo laba bilood ah in lagu darro waqtiga doorashada dalka ee sanadkaan 2016-ka.

Doorashada madaxweynaha dalka ayaa la sheegay inay dhici doonto 7-da bisha November, taasoo micnaheedu yahay in madaxweynaha uu u baahan yahay sharciyeyn muddo ku dhow 60 maalmood ama in madaxweyne KMG ah uu noqdo guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Dhinaca kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si weyn u diidan inuu waqtigaasi xilka ka dego, isagoo ka digaya inay taasi keeni doonta khalkhal siyaasadeed iyo fowdo, wuxuuna soo jeediyay kuna adkeysanayaa in dowladda hadda jirta aan la kala saarin oo mar qura xilkeedu wada dhamaado.

Si kastaba ha ahaatee, madaxda shirka madasha wadatashiga qaran ayaa ku kala qeybsan arrintaan oo aan xal ka gaarin weli, iyagoo ka gaabsanaya in madaxweyne Xasan Sheekh ay si cad ugu sheegaan inuu xilka ka dego, waana tan keenay inuu dheeraado waqtigu go’aanka kama dambeyska ah lasoo saari lahaa.

error: Content is protected !!