Guddiga doorashada Soomaaliya ayaa goor dhoweyd ku dhawaaqay xilliga rasmiga ah ee ay dhaceeyso doorashada gudoomiyaha baarlamaanka, tan madaxweynaha iyo xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.
Shir jaraa’id oo ay guddiga ku qabtaan magaalada Muqdisho, kadib markii ay kulan la yeesheen madaxda madasha Qaran ayay shaaciyeen in taariikhdu markii ay tahay 25-ka bisha October la dooranaayo guddoomiyaha baarlamaanka halka 30-ka isla October-na la dooranayo madaxweynaha Soomaaliya.
Waxay sidoo kale guddigaan sheegeen in bisha Septmber 24-keeda ilaa 10-ka bisha October lasoo dhameystiri doono golaha shacabka ee Aqalka hoose, halka Aqalka sare lasoo dhameystiri doono 24 September ee sanadkaan.
Guddigaan ayaa ugu dambeyn sheegay in 10-ka bishaan aynu ku jirno ee August uu bilaaban doono olalaha musharrixiinta doonaya inay qabtaan xilalka sare ee dowladda Soomaaliya.
Hadaba nuqul ka mid ah war-muriteeyda ay soo saareen guddiga doorashada Soomaaliya ayaa u qoran sida hoos ku xusan:-