“Waxaa naloo soo gudbiyay dacwooyin iyo cabashooyin oo la yiri dowladda kama jawaabin..”

Wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda federaalka Soomaaliya  C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa sheegay inay ka jawaabeen cabashooyinka reer Hiiran ee ku saabsan in gobolkaasi laga dhigo laba gobol.

C/rasmaan Odowaa oo ka hadlaayay barnaamij habeekii xlaay ka baxay TV-ga qaranka ee SNTV ayaa sheegay in dastuurka dalka ay ku qoran tahay 18 gobol, islamarkaana aysan suurtagal noqon karin inay sameyaan gobol kale, ayna ka jawaabeen cabashada odayaasha reer Hiiraan iyo dacwooyinka ay soo gudbiyeen.

Wuxuu sheegay in dib loo bilaabi doono shirka Jowhar ee maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe, isagoona dhinaca kale tilmaamay inuu aaminsan yahay in shirkaasi ay natiijo fiican kasoo bixi doonaan.

“Marka hore aniga ma aaminsani inay fashilmeen dadaaladii maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe, muddo sanad ah kama badna inta ay howlahaasi socdaan,  bishii September sanadka hore ayay aheyd markii la saxiixay, wali sanadkeeda ma gaarin, maamulada qaar waxaa dhisidooda laga shaqeynayay muddo labo sano iyo saddex sano ah” Sidaas waxaa yiri wasiir C/raxmaan Odawaa.

Wasiir Odawaa oo sidoo kale ka hadlay cabashada odayaasha in labo gobol laga dhigo gobolka Hiiraan ayaa sheegay in marar badan dowladda ka jawaabtay cabashadaas, isla markaana aanay sameyn karin gobol kale, maadaama dastuurka uu qabo 18 gobol.

“Waxaa naloo soo gudbiyay dacwooyin iyo cabashooyin oo la yiri dowladda kama jawaabin, runtii waa ka jawaabnay arrinta Hiiraan ee ah in labo gobol laga dhigo, dastuurka waxaa ku qoran 18 gobol anagana ma sameyn karno gobol kale oo cusub” Sidaas ayuu wasiir Odawaa hadalkiisa ku daray.

Dhinaca kale, Odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta reer Hiiraan ayaa horay u sheegay in gobolka Hiiraan ay u qalanto in laga dhigo labo gobol, sidaas darteedna waxay qaadaceen shirka maamul u sameynta labada gobol iyo inay wax ku darsadaan gobolka Sh/dhexe.

Si kastaba ha ahaatee, wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dadaal aad u weyn ugu jirta sidii loo dhisi lahaa maamulka labada gobol ee Hiiraan iyo Sh/dhexe ka hor doorashada la qorsheeyay inay dhacdo bisha November ee sanadkaan 2016-ka.

error: Content is protected !!