XOG:- Xubno muhiim ah oo la siiyay gobolka Banaadir (AKHRISO)

Iyadoo maanta lagu wado in lasoo gaba-gabeeyo shirka madasha wadashiga qaran ee magaalada Muqdisho uga socdo madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyadda dalka ayaa shirkaasi lagu heshiiyay qodobo muhiim ah oo muddo dheer la isku haayay, kaas oo ku saabsanaa gobolka Banaadir oo ka maqnaa Aqalka Sare ee Baarlamaanka cusub lasoo dhisi doono.

Go’aan kasoo baxay xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa si kooban loogu sheegay in madaxda shirka madasha wadatashiga qaran ay isku raaceen metelaadda gobolka Banaadir ee Aqalka Sare Baarlamaanka cusub.

Sidoo kale go’aankaasi kasoo baxay madaxtooyadda ayaa lagu sheegay in tirada gobolka Banaadir ku yeelanayo Aqalka Sare la isku waafaqay in xubno laga siiyo Aqalka Sare, waxay madaxda qaarkood soo jeediyeen 9 xubnood in la siiyo, halka inta badan ay qabaan 5 xubnood.

Dhinaca kale, beesha Banaadiriga ayaa sida la sheegay laba xubnood laga siiyay Aqalka Sare kadib shirkii madasha ee ka dhacay magaalada Baydhaba, waxaan shanta xubnood kale ee gobolka Banaadir la siinayo ka mid noqon doona labadaas xubnood.

Si kastaba ha ahaatee, gobolka Banaadir oo ay ku taalo magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa in muddo ah waxaa ka taagnaa dood weyn oo ahayd in gobolka Banaadir aanay wax laga siinin xubnaha baarlamaanka Aqalka Sare iyo tan Hoose midnaba, iyadoo dood dheer ka dib go’aankaan lasoo saaray.

error: Content is protected !!