Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta Villa Soomaaliya ku qaabilay wafdi caalami ah (SAWIRO)

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ku qaabilay wafdi uu horkacaayay Danjire Georg Schmidt oo ah agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Jarmalka ee u qaabilsan arrimaha dalalka Afrika ee saxaraha ka hooseeya.

Labadaasi dhinac ayaa ka wada-hadlay xiriirka labada dal, arrimaha doorashada Soomaaliya, dib u dhiska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, amniga gobolka, qaxootiga Soomaalida ee la doonayo in dib dalka loogu soo celiyo, iyo sidii loo soo nooleyn lahaa iskaashiga machadyada mihnadaha laga barto, si ay uga faa’iideystaan dhalinyarada Soomaaliyeed.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wafdigaasi ka codsadey inay salaam ka gaarsiiyaan ra’iisul wasaaraha dalka Jarmalka Angela Merkel, dowladda iyo shacabka Jarmalka.

Danjire Schmidt oo isna soo dhoweeyay horumarka Soomaaliya ay ku tallaabsatey, isagoo sheegay inuu aaminsan yahay in Soomaaliya ay dib cagaheeda isku taagi doonto, beesha caalamkuna oo Jarmalka ay ka mid tahay ay doorkooda ka cayaari doonaan.

Ugu dambeyntii, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka mid ah musharixiinta u hanqal taageysa inay ka qeyb gasho tartanta doorashada madaxtinimadda dalka, taas oo dhici doonta dabayaaqadda sanadkaan aynu ku jirno, kadib markii guddiga doorashada dalka ay maalintii shalay sheegeen in doorashada muddo laba bilood ah dib loo dhigay.

Wafdi Jarmal-1 Wafdi Jarmal-2 Wafdi Jarmal-3

error: Content is protected !!