Wararkii ugu dambeeyay shirka madasha iyo laba qodob oo weli la isku mari la’yahay (AKHRISO)

Xarunta madaxtooyadda Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho waxaa maalintii 5aad weli ka soconaaya shirkii madasha wadatashiga qaran oo ay yeelanayeen madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada dalka.

Shirkaan oo qorshihiisa ahaa in maanta oo Isniin ah lasoo gaba-gabeeyo, islamarkaana go’aan kama dambeys ah laga soo saaro ayaa weli u muuqda mid waqti dheeraad ah qaadanaayo.

Madaxda shirka madasha ayaa weli waxay ku heshiin la’yihiin laba qodob oo ka doodisteeda ay sii daba-dheeraatay, iyadoona taasi ay keentay in shirka uu waqtigiisa sii dheeraado.

Labada qodob ayaa waxay kala yihiin, in

  • Sidii laga yeeli lahaa sharciyadda madaxweynaha Soomaaliya oo muddo 50 maalmood ah u baahan in xilka loo kordhiyo.
  • Cidda sida rasmiga ah u magacaabeysa xubnaha deegaanada Somaliland, Hiiraan iyo Sh/dhexe ee ka mid noqonaya Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale aanay meesha ka marneen ka doodista xubnaha gobolka Banaadir laga siinayo Aqalka Sare oo hore waqti dheeraad ah uga qaatay madaxda shirka madasha wadatashiga qaran.

Dhinaca kale, madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo maanta kusoo biiray shirka madasha ayaa isna ka qeyb qaadanaya shirarkii ugu danbeeyay ee caawa ka soconaaya xarunta madaxtooyadda Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee, inkastoo guddiga doorashada dalka uu dhawaaan ku dhawaaqay waqtiga rasmiga ah oo ay dhaceeyso doorashada dalka ayaa hadane waxa uu shirka u muuqdaa mid aanay weli la isla meel dhigin arrimo muhiim ah, iyadoona xubno shirka madasha ku sugan ay sheegayaan in 24 saacadood gudahood shirka war-murtiyeed looga soo saari doono.

Hadaba xilli kasta la soco warbaahinta Bulshoweyn oo idiin soo tebin doonta hadba meesha ay wax marayaan.

error: Content is protected !!