DEG DEG:- Mas’uuliyiin kasoo jeeda Somaliland oo si aad ah u qaadacay qodobadii shirka madasha (DHAGEYSO)

Kadib war-murtiyeed maanta laga soo saaray shirka madasha wadatashiga qaran ee ka soconaayay xarunta madaxtooyadda Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa qodobadii shirkaasi kasoo baxay waxaa qaadacay wasiiro, xildhibaano iyo odayaal kasoo jeeda deegaanada Somaliland.

Mas’uuliyiin isugu jira xildhibaano, wasiiro iyo odayaal dhaqameed kasoo jeeda deegaanada Somaliland oo gelinkii dambe maanta shir ku qabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa qaadacay qodobadii shirka madasha kasoo baxay, waxayna sheegeen inaysan marnaba aqbali doonin qaabka loo dhigay war-murtiyeedka.

error: Content is protected !!