DEG DEG:- Shirka madasha wadatashiga oo goordhaw lasoo gaba-gabeeyay iyo war-murtiyeed laga soo saaray

Waxaa goordhaw xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho lagu soo geba-gebeeyay shirkii madasha wadatashiga qaran oo halkaasi uga soconaayay madaxda dowladda federaaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyadda dalka.

Shirkaasi oo muddo 7 maalmood ah socday ayaa intii uu socday la isku mari waayay qodobo dhowr ah, waxaana ugu dambeyn lagu heshiiyay qodobodaasi oo ahaa kuwa marba marka kale dib u sii dheeraanayay socoshada shirka.

Dhinaca kale, ma jiraan wax laga badalay go’aankii ay dhawaantaan soo saareen guddiga doorashada dalka, oo ay ku shaaciyeen waqtiga rasmiga ah ay dhaceeyso doorashada dalka Soomaaliya.

War-murtiyeedka dib ayaan idinkaga soo gudbin doonnaa Insha Allaah.

error: Content is protected !!