Hay’adda nabad-sugidda iyo maamulka gobolka Banaadir oo amar culus dul-dhigay shacabka Muqdisho (SAWIRO)

Shir jaraa’id oo ay maanta si wadajir ah u qabteen taliyaha nabad-sugidda qaranka NISA C/laahi Gaafow Maxamuud iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Boorsaani) ayaa lagu sheegay in shacabka ku nool magaalada Muqdisho laga doonayo inay qaataan kaarka aqoonsiga ah (ID CARD).

Taliyaha naba-sugidda qaranka NISA C/laahi Gaafow Maxamuud oo marka hore saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in qof kasta oo ku nool gobolka Banaadir laga doonayo inuu qaato kaarka aqoonsiga (ID CARD) laga bilaabo maanta oo Talaado ah.

“Waxaa dhamaan shacabka ku nool gobolka Banaadir la farayaa inay qaataan kaararka aqoonsiga laga bilaabo maanta oo Talaado ah, waxaana jaamacadaha iyo iskuulada si gaar ah loo farayaa inaysan diiwaan gelin arday qaan-gaar ah oo aan wadin kaarka aqoonsiga, sidoo kale goobaha ganacsiga sida hoteelada waxaa la farayaa inaysan la macaamili karin qof aan wadan kaarka aqoonsiga ah” Sidaas waxaa yiri C/laahi Gaafow Maxamuud oo ah taliyaha nabad-sugida qaranka NISA.

Dhinaca kale, guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Boorsaani) oo isna dhinaciisa la hadlay saxaafadda ayaa balan ku qaaday in ka maamul ahaan ay dhaqan gelin doonaan baaqaan kasoo yeeray hay’adda nabad-sugidda qaranka ee NISA.

Gudoomiye Boorsaani ayaa shacabka ku nool degmooyinka gobolka Banaari ugu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay qaataan kaararka aqoonsiga, taas oo uu ku sheegay inay u sahlayso adeega bulshada oo muhiimka ah.

“Maamulka gobolka Banaadir wuxuu balan-qaadayaa inuu dhaqan gelin doonno amarkaas, balse waxaa dhinaca shacabka Muqdisho iyo laamaha amniga laga doonayaa in iyagana kaalinta uga aadan arrinkaasi ay gutaan, sidaad la socotaan dalka wuxuu haatan galayaa doorasho iyo marxalad aad iyo aad u culus, marka si loo kala garto dadka magaalada degan, qofkasta waa inuu sameystaa islamarkaana wataa kaararka aqoonsiga ah” Sidaasi waxaa yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Boorsaani).

Si kastaba ha ahaatee, inta badan sameynta kaararka aqoonsiga ah ayaa magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ka noqday mashaariic qandaraas ah ee shirkado gaar ah lacago badan dadka uga qaato, waxaana dhinaca kale shaki laga qabaa in arrintani ay tahay mashruuc kale oo lacag lagu sameynayo xilligan kala guurka ah ee dalka ka jira.

Gudoomiye-Banaadir-Iyo-Taliyaha-NISA Gudoomiye-Banaadir-Iyo-Taliyaha-NISA01 Gudoomiye-Banaadir-Iyo-Taliyaha-NISA02

error: Content is protected !!