C/kariin Guuleed oo kasoo horjeestay labadii xubnood ee Puntland loogu daray aqalka sare (DHAGEYSO)

Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo maanta gaaray koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug kadib safar caafimaad uu dalka Hindiya ugu maqanaa ayaa shaaciyay arrin ay shirka madasha ku qaadaceen oo ku saabsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka cusub.

Madaxweyne C/kariin Guuleed ayaa sheegay inay waafaqsan yihiin dhamaan go’aanadii kasoo baxay shirka madasha wadatashiga qaran marka laga reebo qodobka ahaa in laba xubnood Aqalka Sare Puntland loogu kordhiyo.

“Waxaan waafaqsannahay dhamaan go’aanadii kasoo baxay madasha, gaar ahaan kii ugu dambeeyay ee Muqdisho, marka laga reebo qodobka ku saabsan in laba xubnood oo dheeri ah lagu kordhiyo Aqalka Sare ee loogu daraayo Puntland, sababta aan u diideyno xubnaha loogu darayo Puntland ayaa waxaa u aragnaa inay tahay sedbursi, oo horeba u heystay 11 xubnood oo saddex xubnood oo dheeraad ah hore loo siiyay,  islamarkaana ay tahay dheelitir la’aan beelaha Soomaaliyeed, taasi waxay dhaawac ku noqoneysaa shaqada Aqalka sare” Sidaas waxaa yiri madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed.

Dhinaca kale, madaxweyne C/kariin Guuleed ayaa dalbaday in dib u eegis lagu sameeyo arrintaasi oo aanu Aqalka sare ku dhismi karin qaab noocaasi ah, wuxuuna caddeeyay inaan lagala tashan arrintaasi wafdigii Galmudug ee uu hogaaminayay madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi Maxamed Xaashi Cabdi.

error: Content is protected !!