C/kariin Guuleed oo ku wajahan Gaalkacyo iyo qaban-qaabada soo dhaweyntiisa oo halkaasi ka socoto

Waxaa maanta lagu wadaa in madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed uu u amba-baxo koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Madaxweyne Guuleed ayaa safarkiisa ku wehliya xubno ka tirsan labada gole ee maamulka Galmudug, iyadoona qaban-qaabada lagu soo dhaweeynayo wafdigaas ay haatan ka socoto magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Dhinaca kale, madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed ayaa in muddo ah ku maqnaa dalka Hindiya, halkaas oo qaliin wadnaha ah looga sameeyay, wuxuuna maalin kahor soo gaaray magaalada Muqdisho, halkaas uu kaga qeyb-galay xiritaanka shirka madasha ee halkaasi ka socday.

Saacadaha soo socdo ayaa la filayaa in madaxweyne Guuleed iyo wafdiga la socdo ay ka dhoofaan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho islamarkaana u kicitamaan garoonka Okasho ee ku yaala koonfurta magaalada Gaalkacyo.

error: Content is protected !!