Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo aqbaley xilkii loo magacaabay Muungaab

Wareegto kasoo baxay xafiiska madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayuu madaxweynaha ku oggolaadey soo jeedinta magacaabista wasiiru dowlaha cusub ee wasaaradda cadaaladda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Jeneraal Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab”.

Wareegtada kasoo baxday xafiiska madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u qornaa sida hoos ku xusan:-

Muqdisho, 10 August 2016 (Villa Somalia)—– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Miudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa oggolaadey soo jeedinta magacaabista Wasiiru Dowlaha cusub ee Wasaaradda Cadaaladda, S/Guuto Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).

Magacaabista Mudane Muungaab waxaa soo jeediyay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke.

Madaxweynaha oo tixraacaya soo jeedintaasi ayaa rasmi ahaan u oggolaadey una saxiixay soo jeedintaasi oo dhaqan gashey shaley oo taariikhdu ahayd 09, August, 2016.

S/Guuto Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa horay u ahaa Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho intii u dhexeysey bishii February 2014 ilaa October 2015. Waxaa ka hor uu ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidammada Qalabka Sida intii u dhexeysey August, 2010 ilaa bishii February 2014, isagoo sidoo kale isla maxkamaddaasi ka soo noqday garsoore.

————————–DHAMMAAD————————–
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.so

error: Content is protected !!