Nabadoon Saciid Sheekh Aadan oo caawa fiidkii lagu dilay suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa caawa fiidkii suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ku dilay nin nabadoon caan ah oo lagu magacaabi jiray Saciid Sheekh Aadan.

Allaha u naxariistee Nabadoon Saciid Sheekh Aadan ayaa la dilay xilli uu maraayay suuqa Bakaaraha gaar ahaan xaafada cowska lagu iibiyo, waxaana lagu dhuftay dhowr xabado kadibne uu isla goobta ku geeriyooday.

Kooxdii dilka u geysatay Nabadoon Saciid ayaa islamarkiiba goobta isaga baxsaday, iyadoona ilaa iyo haatan aan la ogeyn sababta dhabta ah ee ka dambeysay dilkiisa.

Dilka kadib waxaa goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa nabad-sugidda qaranka ee dowladda federaaalka Soomaaliya, waxaana ay goobtaas ka bilaabeen howlgalo baaritaano ah, oo ay ku raadinayeen kooxihii dilka geystay, inkastoo ilaa iyo haatan aysan jirin cid howlgaladaasi lagu soo qab-qabtay.

Si kastaba ha ahaatee, ma jirto cid ilaa iyo haatan sheegatay mas’uuliyada dilka caawa loo geystay Nabadoon Saciid Sheekh Aadan, xilli uu maraayay gudaha suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafada cowska.

error: Content is protected !!