Wafdi uu hogaaminaayo madaxweyne Xasan Sheekh oo markii ugu horeeysay u dhoofay magaalada Jig-jiga

Wafdi uu hogaaminaayo madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyagoo ka dibne gaaray magaalada Jig-jiga ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Safarka madaxweyne Xasan Sheekh ayaa noqonaaya markii ugu horeeysay uu madaxweyne Soomaaliyeed safar ku tago dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxaana hore halkaasi safar ku tagay guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo sidoo kale qaar ka mid ah madaxda maamulada dalka Soomaalida.

Dhinaca kale, madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa inay magaalada Jigjiga kula kulmaan madaxda dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, balse lama oga waxyaabaha ay kulankooda uga wada hadli doonaan.

Si kastaba ha ahaatee, safarkaan ayaa kusoo beegmaya xilli dalka Itoobiya ay socdaan kacdoon ka dhan ah dowladda dalkaasi oo ay wadaan qowmiyadaha Oromada iyo Amxaarada, iyadoona kacdoonkaasi ay ku dhinteen dad shacab ah oo aad u badan, lamana oga sida uu xaalka ku dambeyn doono.

error: Content is protected !!