Ciidamada iyo gaadiidkii dagaalka ee Khaatumo oo si rasmi ah ugu biiray kuwa Somaliland (SAWIRO+VIDEO)

Warar goordhaw kusoo dhacay xafiiska warbaahinta Bulshoweyn ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsanaa kuwa maamulka Khaatumo State ee gobolada Sool iyo Sanaag ay ku biireen ciidanka militeriga maamulka Somaliland, kadib xaflad lagu qabtay deegaanka Carawayn oo qiyaastii 30km u jirta magaalada Buuhoodle.

Tirada ciidamadaas u wareegay dhinaca Somaliland ayaa lagu qiyaasay ilaa 260 askari, waxayna ka mid ahaayeen ciidamada maamulka Khaatumo State.

Ciidanka-Khaatumo-SomalilandCiidanka-Khaatumo-Somaliland02

Xafladaasi lagu soo bandhigay ciidamadaasi ayaa waxaa goob-joog ka ahaa wasiirka gaashaandhiga ee maamulka Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami,  waxaana uu saxaafadda u sheegay in ciidankaan kusoo biiray kuwa Somaliland aysan qeyb ka ahayn wada-hadalka u socdo maamulka uu madaxweynaha ka yahay Prof. Cali Khaliif iyo Somaliland.

error: Content is protected !!