DEG DEG:- Koox hubeysan oo goordhaw degmada X/jajab ku dilay gabar la sheegay inay ka tirsanayd..

Koox hubeysan ayaa goordhaw degmada X/jajab ee magaalada Muqdisho ku dilay qof dumar ah, taas oo meydkeeda ilaa iyo haatan yaala goobta lagu dilay.

Dad goob-joogayaal ah oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in koox hubeysan ay dileen gabartaan oo la sheegay inay ka shaqeynaysay mid ka mid ah hoteelada ku yaala magaalada Muqdisho.

Kooxdii dilka geystay ayaa islamarkiiba goobta ka baxsaday, iyadoona goobtaasi ay soo gaareen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Ilaa iyo haatan lama oga sababta ka dambeysay dilka gabadhaasi, oo aan ilaa iyo haatan la shaacin magaceed.

Dhinaca kale, ma jirto war kasoo baxay maamulka degmada X/jajab ee dowladda federaalka Soomaaliya, kaas oo ay kaga hadlayaan dilka maanta ka dhacay degmadaasi.

Si kastaba ha ahaatee, magaalada Muqdisho ayaa inta badan waxaa dilal qorsheysan loogu geystaa siyaasiyiinta, odayaal dhaqameed, iyo sidoo kale shaqsiyaadka waxtarka ku leh bulshada Soomaaliyeed, waxayna dowladda federaalka Soomaaliya ku guul-dareysatay inay arrinkaasi wax ka qabato.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah.

error: Content is protected !!