Faah Faahin:- Dagaal aad u culus oo habeenkii xalay dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa dagaal muddo kooban socday oo habeenkii xalay ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose,

Dagaalkaasi ayaa yimid kadib markii koox ka tirsan Al-shabaab ay weerar qorsheysan ku qaadeen saldhig ay degmada Afgooye ka degnaayeen ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Weerarkaasi oo ahaa mid ay Al-shabaab soo abaabuleen ayaa lasoo sheegayaa inay ka dhasheen qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo weerarkaasi iska difaacayay ayaa rasaas xoogan ku riday kooxdii weerarka soo qaaday, waxaana rasaasta la isku adeegsanayay laga maqlaayay guud ahaan degmada Afgooye,

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkaasi ku geeriyootay 2 qof oo shacab ah, kuwaas oo rasaasta guryahooda ugu tagtay, iyadoona sidoo kale ay ku dhaawacantay 4 kale oo shacab ah.

Dhinaca kale, ma jiro warar madax banaan oo sheegaya qasaaraha labada dhinac soo kala gaaray, iyadoona sidoo kale aysan jirin war kasoo baxay saraakiisha dowladda oo ku aadan weerarkaan duuleedka degmada Afgooye lagu qaaday ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

error: Content is protected !!