Faah Faahin:- Qarax qasaare geystay oo caawa ka dhacay magaalada Muqdisho

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa qarax Bambaano oo caawa fiidkii lagu weeraray gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya, xilli uu maraayay degmada Dharkenley ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada dowladda oo saarnaa gaari noociisu ahaa Roonet ayaa waxaa lagu weeraray Bambada gacanta laga tuuro, xilli uu dhex socday xaafadda Mac-macaanka ee degmada Dharkenley.

Qaraxaasi ayaa inta la xaqiijiyay ku dhaawacantay ilaa 2 askari, iyadoona dhinaca kalena uu jiro burbur xoogan oo soo gaaray gaariga Bamka lagu tuuray.

Ciidamada dowladda ee gaariga saarnaa ayaa qaraxa kadib rasaas xoogan dhinacyada u riday, iyadoona aan la ogeyn qasaaraha ka dhashay rasaastaasi.

Ma jirto cid ilaa iyo haatan sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi, waxaana qaraxaan uu qeyb ka yahay qaraxyadda inta badan lala beegsado mas’uuliyiinta dowladda iyo shaqsiyaadka kale ee waxtarka u leh bulshada Soomaaliyeed.

error: Content is protected !!