Gudoomiyaha cusub ee degmada Kaxda oo maanta si rasmi ah xilka ula wareegay

Waxaa maanta degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho lagu qabtay munaasabad aad u balaaran oo uu xilka si rasmi ah kula wareegayay guddoomiyaha cusub ee degmadaasi Maxamed Ismaaciil Macalin.

Munaasabadaasi xil-wareejinta ah oo ka dhacday xarunta degmada Kaxda ayaa kasoo qeyb-galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir iyo sidoo kale gudoomiyihii hore ee degmada C/ladiif Xasan Badawi oo maanta xilka ku wareejinayay gudoomiyaha cusub.

Waxaa sidoo kale munaasabadaasi kasoo qeyb-galay qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool degmada Kaxda, iyadoona goobta ay munaasabaddu ka dhaceeysay uu ka hadlay guddoomiye ku-xigeenka maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye

Maxamed Axmed Diiriye ayaa sheegay in is-bedelka lagu sameynayo guddoonka degmada Kaxda uu qeyb ka yahay ka shaqeeynta horumarka, isagoo xusay in loo baahan yahay in lala shaqeeyo guddoomiyaha cusub ee degmada Maxamed Ismaaciil Macalin.

Ugu dambeyntii, waxaa goobta ay munaasabadda ka dhaceeysay ka hadlay guddoomiyaha cusub ee degmada Kaxda Maxamed Ismaaciil Macalin, wuxuuna sheegay in howsha degmeda uu halkeedi ka sii wadi doono, isagoona ka codsaday bulshada ku dhaqan degmadaasi inay la shaqeeyaan maamulka gobolka iyo kan degmedaba.

error: Content is protected !!