Madaxweyne Xasan “Hadii aan xilka ka tago xitaa, waxaan sii joogi doonaa Soomaaliya”

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh oo wareysi siiyay jariidada Asharq Al-Awsat ayaa shaaca ka qaaday in hadii xitaa looga guuleysto tartanka doorashada dalka ee dhici doonta dhamaadka sanadkaan 2016-ka aanu ka dhoofi doonin dalka, balse uu sii joogi doono islamarkaana uu diyaar u yahay wixii talo ah inuu siiyo dowladda iyo madaxda cusub ee xilka la wareegta.

Waxa uu madaxweyne Xasan Sheekh sheegay in noloshiisa oo dhan uu ku noolaa dalka Soomaaliya islamarkaana aanay jirin dan ku qasbi doonta inuu dalka uga baxo, hadii xilka looga guuleysto doorashada dhici doonta dhamaadka sanadkaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale tilmaamay in qoyskiisa iyo caruurtiisa badankooda ay joogaan dalka, balse qaar kale ay dibadda waxbarasho u jiraan, isagoona dhinaca kale tilmaamay in xitaa hadii looga guuleysto xilka uu dalka ka qaban doonno xilal kale.

“Aniga nolosheyda oo dhan waxaan ku noolaa gudaha dalka Soomaaliya, weligeey halmar kama bixin dalka, xitaa xilliyadii ay dagaaladu socdeeen, caruurteyda oo dhan waxay ku dhasheen Soomaaliya, waxna ku barteeen, qaarkood ayaa hadda dibadda waxbarasho u aaday, laakiin aniga hadii aan xilka ka tago xitaa, waxaan sii joogi doonaa Soomaaliya, mana lihi meel kale oo aan dego, dibada uma socdo, waxaanan qaban doonaa xil kasta oo ii qalma, waxaanan la talin doonaa dowlad kasta oo timaada hadii ay iga codsato inaa la taliyo” Sidaas waxaa yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Mar wax laga weydiiyay sababta ku qasbaysa inuu markale dib isugu soo sharaxo xilka uu haatan haayo ayuu ku jawaabay in lixdii tiir ee uu ololaha doorashada ku galay ay wax ka hir-galeen, islamarkaana ay harsan yihiin arrimo badan oo ah sababta keentay in xilka madaxweynenimo uu dib isugu soo sharaxo.

Si kastaba ha ahaatee, sanadkaan dhamaadkiisa ayaa la rajeynayaa in dalka Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho guud, waxaana markaasi la ogaan doonnaa in hadalka uu haatan sheegaayo madaxweyne Xasan Sheekh uu ka dhabeyn doonno iyo inkale.

error: Content is protected !!