XOG iyo GORFEYN:- Xagee ka baxday qeybtii gobolka Banaadir ee Aqalka sare Baarlamaanka?

Kadib shirkii ugu danbeeyay ee madaxda madasha wadatashiga qaran oo ay ku yeesheen xarunta madaxtooyadda Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa noqday kii ugu go’aano yaraa inta la shaaciyay, iyadoona uu mugdi badan hareeyay waxyaabaha shirkaasi looga hadlaayay iyo heshiiska lagu gaaray.

Hadaba marka laga reebo xilliyada la qabanaayo doorashada labada Aqal ee Baarlamaanka iyo tan guddoonka baarlamaanka iyo madaxweynaha, oo ay hore u shaaciyeen guddiga doorashada dadban ayaa shirkaasi waxaa laga sugaayay go’aano fara-badan oo aan lasoo hadal qaadin, waxaana go’aanadaasi kuwooda ugu muhiimsan ka mid ahaa:-

  • Qodobka metelaada gobolka Banaadir ee Aqalka sare oo guddi hore loogu saaray islamarkaana go’aan cad laga sugaayay madasha, balse aanay marnaba lasoo hadal qaadin

Dhinaca kale, qodobkaan oo guddi farsamo loo saaray islamarkaana shirkii Baydhaba ee madasha guddigaasi lagu soo yareeyay waqtigiisa ayaan wax go’aan ah looga gaarin shirkii Muqdisho ee 2-9 August ka dhacay xarunta madaxtooyadda ee Muqdisho, xilli 2 xubnood oo dheeraad ah laga siiyay Puntland, kuwaas oo laga soo jaray xubnihii hore loogu qoondeeyay Somaliland.

Dhinaca kale, qoraal kasoo baxay xarunta madaxtooyada Soomaaliya ayaa intii uu shirka madasha socday waxaa lagu shaaciyay in madasha ay isla garatay metelaadda gobolka Banaadir ee Aqalka sare, iyadoo ilaa iyo haatan aan wax faahfaahin dheeraad ah laga bixin arrinkaas.

Si kastaba ha ahaatee, arrintaan ayaa sida muuqato noqotay mid la iska dhego tiraayo islamarkaana aanay dan iyo xaajo midna laga lahayn, waxaana la dhihi karaa in muhiimadda gaarka ah la siiyay gobolada kale ee dalka gaar ahaan deegaano aanu jecleysan inaynu halkaan ka shaacino.

error: Content is protected !!