Ilyees Laari oo maanta la dilay xilli uu kasoo baxay masjid ku yaala suuqa Maana-booliyo ee degmada Shibis

Kooxo hubeysan ayaa maanta suuqa Maana-booliyo ee degmada Shibis ku dilay guddoomiye waaxeed ka tirsanaa degmadaasi, Ilyees C/laahi Sheekh oo loo yaqaanay (Ilyees Laari).

Kooxdaasi dilka geysatay ayaa la sheegay inay dhowr xabad ku dhufteen Ilyees Laari, oo ahaa gudooomiyaha degmada Shibis waaxda afaraad, iyadoo kooxihii dilka geystay ay ka baxsadeen goobta.

Gudoomiyaha ayaa la sheegay in xilligii la dilaayay uu kasoo baxay masjid ku yaala suuqa Maana-booliyo, halkaas oo uu kusoo dukaday salaadda Jimcaha.

Dilka ka dib ayaa waxaa goobtaasi gaaray ciidamo ka tirsan kuwa nabad-sugidda qaranka, kuwaas oo goobtaasi howlgal baaritaan ah ka sameeyay.

Dhinaca kale, afhayeenka maamulka gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane ayaa warbaahinta u sheegay in gudoomiyihii waaxda afaraad ee degmada Shibis Ilyees Laari, isagoo sheegay in ciidanka ammaanka ay weli ku raad joogaan kooxihii dilka geystay.

Ilaa iyo haatan ma jirto cid ay ciidamada kusoo qab-qabteen howlgalkaasi, waxaana dilka loo geystay gudoomiyahaan uu qeyb ka yahay dilalka joogtadda ah ee lagu haayo mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa waxgalka u ah bulshada Soomaaliyeed.

error: Content is protected !!