Nabadoon Xaad oo shaaca ka qaaday inay dhamaatay rajadii ay ka qabeen in gobolka Banaadir…(DHAGEYSO)

Shir jaraa’id uu maanta magaalada Muqdisho ku qabtay guddoomiyaha odayaasha beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad ayaa shaaca ka qaaday in rajaddii ay ka qabeen in gobolka Banaadir xubno metela uu ku yeesho Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ay ka dhamaatay.

Nabadoon Xaad ayaa sheegay inay jiraan dad dagaal xoogan kula jira islamarkaana aan ogoleyn in Muqdisho horumar gaarto balse haatan ay Odayaasha Banaadir ku gudo jiraan inay go’aan cad ka qaataan arrintaan.

“Sida ay wax noqdeen waa wax lala yaabo, hayeeshee anagu shirkaasi kama filanaynin sidaas iyo si ka wanaagsan, maxaa yeelay waa iska muuqatay in nimankaas shirarka is-daba-jooga ah yeelanaayay aanay waxba u ogeleyn gobolka Banaadir, waxayna nimankaasi shacabka Banaadir tuseen fariin fiican” Sidaas waxaa yiri Nabadoon Xaad.

error: Content is protected !!