Sheekh Xasan Gaboobe iyo 3 ka mid ah ilaaladiisa oo dhaawacmay

Wararka naga soo gaaraya gobolka Gal-gaduud ayaa waxay sheegayaan in madaxweyne ku-xigeenka maamulka Ahlu-sunna Waljameeca ee gobolada dhexe Sheekh Xasan Maxamed Warsame oo loo yaqaano (Sheekh Xasan Gaboobe) iyo ilaalo la socotay ay ku dhaawacmeen shil gaari oo ka dhacay inta u dhaxeeysa degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb.

Sheekh Xasan Gaboobe ayaa la sheegay inuu dhaawac kasoo gaaray dhinaca madaxa islamarkaana uu yahay mid fudud, balse dhawaaca sedaxda ilaaladda u ahayd ay yihiin kuwa aad u culus.

Dhaawaca Sheekh Xasan Gaboobe iyo ilaaladiisa ayaa la geeyay isbitaal ku yaala magaalada Guriceel, waxaana dadkaan la sheegay in markii hore ay kasoo baxeen degmada Guriceel, islamarkaana ay kusii jeedeen magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Dhinaca kale, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Ahlu-sunna Waljameeca ee gobolada dhexe oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in Xasan Gaboobe uu dhaawac fudud uu shilkaasi kasoo gaaray.

error: Content is protected !!