XOG:- Sababta ka dambeysa safarka madaxweyne Xasan Sheekh ee magaalada Jigjiga

Daba-gal dheer oo ay sameeysay warbaahinta Bulshoweyn ayaa waxay kusoo ogaatay uljeedada dhabta ah ee safarka madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tagay magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sida la sheegay safarkiisa ahaa inuu halkaasi kula kulmo saraakiil ka tirsan militeriga Itoobiya oo uu doonayo inuu kala hadlo qorshe howlgal balaaran looga sameeyo Koonfurta Soomaaliya.

Howlgalkaasi ayaa sida la sheegay la fulin doonnaa ka hor doorashooyinka la filaayo inay dalka Soomaaliya ka dhacaan dabayaaqadda sanadkaan 2016-ka, si kooxda Al-shabaab cadaadis loo saaro islamarkaana looga saaro guud ahaan deegaanadda ay haatan gacanta ku haayaan.

Qorshahaan ayaa islamarkiiba waxaa cago-jiid ka muujiyay taliska AMISOM, iyadoona markii hore uu qorshuhu ahaa in ugu badnaan wasiirka gaashaandhigga ee xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo taliyeyaasha ciidamada ay tagaan magaalada Jigjiga, si saraakiisha abaanduulka Itoobiya ay ugala hadlaan qorshahaan weerarka Al-shabaab balse madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhex galay oo go’aansaday inuu isago shaqsiyan saraakiishaasi ula kulmo.

Dhinaca kale, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan olole xoogan ugu jira in markale xilka dib loogu soo doorto ayaa doonaya in Itoobiya ay taageero ka siiso in dhul badan oo ka tirsan gobolka Galgaduud, Hiiraan iyo Sh/dhexe laga xoreeyo Al-shabaab inta aanu xilka ka dhammaan, si uu doorasho ugu galo.

Hase ahaatee, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u muuqda mid arrinkaasi waddo khaldan u maray, wuxuuna socdaalkiisa kusoo beegmay xilli Itoobiya ay ka taagan yihiin xiisado siyaasadeed oo qowmiyadaha Oromada iyo Amxaarada ka hor yimaadeen Tigreega ka taliya dalkaasi .

Si kastaba ha ahaatee, safarka madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale kusoo beegmay xilli dowladda Itoobiya ay diiday inay qabato xilka taliska AMISOM, waxaana ay Itoobiyta shuruud uga dhigtay qodobo ka careeysiiyay dowladaha kale ee ka tirsan AMISOM, taasoo keentay in muddo 5 bilood kadib xilkaasi loo magacaabo taliye Jabuutiyaan ah.

DIGNIIN:- Fadlan joojiya koobiga iyo xatooyadda aa nagu haysaan

error: Content is protected !!