C/weli Gaas oo u jawaabay siyaasiyiinta iyo odayaasha kasoo jeeda deegaanada Somaliland (DHAGEYSO)

Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa jawaab kulul siiyay siyaasiyiinta iyo odaayasha ku sugan magaalada Muqdisho kana soo jeeda deegaanadda Somaliland.

C/weli Gaas oo wareysi siiyay warbaahinta ayaa sheegay in siyaasiyiinta iyo odayaasha sheegtay inay matalaan Somaliland ay yihiin kuwa aan matalin islamarkaana xilli walba sheeganaaya inay dhinac jiraan.

“Wax buuq ah oo ka dhalan karaan ma jiraan, dadka Somaliland sheeganaaya ma ahan kuwa matala dhulka Somaliland, balse waxaa jira qolo xaafadaha Xamar joogta oo aan cidna matalin” Sidaas waxaa yiri madaxweyne C/weli Gaas.

Dhinaca kale C/weli Gaas ayaa sheegay in xubnaha loo qoondeeyay Somaliland aysan ahayn Dir waqooyi leedahay, islamarkaana aanay jirin wax kuraas ah oo Puntland loogu daray.

error: Content is protected !!