Madaxweyne Xasan Sheekh oo beeniyay dacwad loo haysto isaga iyo wasaaradda amniga gudaha ee Soomaaliya

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul u beeniyay inuu wax ka ogyahay dacwad ka dhex taagan wasaaradda amniga gudaha ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta xisbiyada ka jira magaalada Muqdisho.

Dacwadaasi oo hataan hor-taala maxkamadda sare ee dalka ayaa sida la sheegay ku saabsan amar ay wasaaradda amniga kusoo rogtay hoteelada magaalada Muqdisho inaan wax shir ah lagu qaban karin, iyadoo aan marka hore wasaaradda fasax laga heysan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wareeysi siiyay  TV-ga Universal ayaa sheegay inuusan xafiiskiisa ka war heynin dacwad arrintaas ku saabsan, dadkuna xaq u leeyihiin inay shiraan oo ay ka mid tahay xuquuqdooda asaasiga ah, laakiin wuxuu intaas ku daray in arrimo amni ay jiri karaan.

“Ma jirto siyaasad ay dowladdu Soomaaliya leedahay oo dadka loogu diidayo inay isu yimaadaan oo ay shir yeeshaan, waa xuquuqda aasaasiga ah oo muwaadinka Soomaaliga uu leeyahay inay isu yimaadaan islamarkaana ay ka tashadaan arrimahooda, balse dalka waxaa ka jira arrimo xasaasi oo dhinaca amniga ah, waxaa wanaagsan in dowladdu ay amniga dadkaasi ilaalilyaan, aniga wax dacwad ah oo arrimahaasi laga dacwoonayo oo xafiiskayga soo gaaray ma jiro” Sidaas waxaa yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Si kastaba ha ahaatee, hadalka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kusoo  beegmaya xilli qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo musharixiinta ka qeyb-galeysa doorashada dalka ka dhici doonto dhamaadka sanadkaan 2016-ka ay madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyeen inuu isagu wato olole doorasho isla markaana uu is-hortaag ku sameeyay shirar ay siyaasiyiintaasi ku qabsan lahaayeen hoteelada magaalada Muqdisho.

error: Content is protected !!