Gabar 14-jir ah oo isdishay kadib markii ay la kulantay arrin ay muddo ka wal-walsanayd (DHACDO NAXDIN LEH)

Wararka naga soo gaaraya magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in gabar 14 sano jir ah, kana mid ahayd ardaydii wax ka baraneysay dugsiga Hoose/Dhexe ee Imaam Shaafici ay is dishay.

Gabadhaan oo sida la sheegay lagu magacaabi jiray Nimco Axmed Jaamac ayaa saakay aroortii hore lasoo sheegay inay mindi dhuunta isaga jartay, taasoo ka dambeysay kadib markii ay ogaatay inay ku dhacday imtixaankiii fasalka 8-aad oo ardaydii gashay ay ka mid ahayd.

Ehelada Nimco oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay aad uga wel-welsaneyd natiijada imtixaankeeda, waxayna ka mid ahayd arday dhan 603 oo ku dhacay imtixaankii laga qaaday dugisyada gobolada maamulka Somaliland.

Marxuumadda ayaa inta aysan geeriyoon kahor loola cararay isbitaalka kadib markii ay dhaawac halis ah isku geysatay, waxayna durbadiiba ku geeriyootay Isbitaalka Guud ee magaalada Ceerigaabo.

Dhinaca kale, ardayda dhacday sanadkaan degaanada Somaliland ayaa ahaa kuwii ugu badnaa imtixaan qura laga soo calaamadeeyo inay gudbi waayeen.

Si kastaba ha ahaatee, magaalada Ceerigaabo iyo deegaanadda kale ee Somaliland ayaa hadal hayntu ugu weyn maanta waxay noqotay warka gabadha is-dishay, iyadoo ay tahay dhacdadii ugu horeeysay ee nooceeda ah ka dhacdo deegaanada Somaliland.

error: Content is protected !!