Imaam masjid iyo kaaliyihiisa oo lagu dilay magaalada New York ee dalka Mareykanka (SAWIRO)

Imaam Masjid ku yaala degmada Queens iyo kaaliyihiisa ayaa lagu dilay magaaalada New York ee dalka Mareykanka, kadib markii sida la sheegay uu qof hubeysan madaxa ka toogtay.

Imaamka oo lagu magacaabo Maulama Akonjee islamarkaana ahaa 55 sano jir, iyo kaaliyihiisa Thara Uddin oo isna 64 jir ahaa, ayaa qof ka-toogtay gadaal uga yimid isagoo xabad afsaar ah madaxa iyo xabadka kala dhacay, waxaana ay ku dhinteen Isbitaalkii loola cararay.

Imaamka ayaa asalkiisa kasoo jeeda dalka Bangladesh, waxayna xirnaayeen labadaba dhar diini ah, iyadoo ku socday guryahooda markii ay kasoo laabteen salaadii Duhurka.

Ciidanka booliska magaalada New York, ayaan cidna u qaban falkan, waxaana socda baaritaan ku saabsan falkaan oo argagax ku abuurtay dadka muslimka ah ee Mareykanka.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in booliska ay baarayaan qof la sheegay inuu goobta falka ka dhacay ka baxsaday daqiiqado kadib weerarka oo qori ku hubeysnaa.

Si kastaba ha ahaatee, jaaliyadda Bangladesh ee magaalada New York ayaa isugu soo baxay goobta falku ka dhacay iyagoo ku u murugoonaya imaamka la dilay oo laba sano ka hor usoo guuray dalka Mareykanka, kadib markii uu kasoo guuray dalka Bangladesh oo ah dalka uu asal ahaan kasoo jeedo.

Imaan-Killed-in-Newyork Imaan-Killed-in-Newyork01 Imaan-Killed-in-Newyork02 Imaan-Killed-in-Newyork03 Imaan-Killed-in-Newyork04

Imaan-Killed-in-Newyork09 Imaan-Killed-in-Newyork10 Imaan-Killed-in-Newyork11

Imaan-Killed-in-Newyork13

Imaan-Killed-in-Newyork15

error: Content is protected !!