Wasiir Hadliye oo kasoo horjeestay in madaxweyne Xasan loo qaado heesta ah “xilka sii haay” (DHAGEYSO)

Wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya C/salaan Hadliye Cumar oo ka hadlaayay shir dadka qurbe joogta ah uga furmay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa si adag uga hor yimid in madaxweye Xasan Sheekh Maxamuud loo qaado hees ah inuu makale xilka sii haayo.

Wasiir C/salaan Hadliye ayaa fanaaniinta ka codsaday inaysan qaadin heestii loo qaadi jiray madaxweynihii militeriga ee dalka ka talin jiray Allaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre oo ahayd “Caynaanka Haay” oo fanaan ka mid ah fanaaniinta Soomaaliyeed u qaaday, si uu ugu muujiyo taageero.

Wuxuu wasiir Hadliye sheegay inuu jecel yahay in markale uu madaxweyne Xasan Sheekh xilka sii haayo balse ay khalad tahay in loo qaado heesta “Caynaanka Haay” oo uu sheegay inay xiisad kicin karto,

“Walaalkeyga fanaanka ee heesaya waxaa rabaa inaa xasuusiyo markii uu madaxweyne Xasan Sheekh yimaado inuusan nagu qaadin heesta haay xilka weligaa, markaan waa inuu dhaafo, laakiinse waxaa rabaa inaa idin xasuusiyo madaxweyne Xasan Sheekh waa madaxweynahayga, waan rabaa inuu xilka sii haayo balse waxaa la doonayaa inaa idinka timaadaan oo aa xilka qabataan” Sidaas waxaa yiri wasiir Hadliye oo ka hadlaayay shir dadka qurbe joogta ah Muqdisho uga furmay.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya C/salaan Hadliye ayaa kusoo beegamaya xilli dabayaaqadda sanadkaan 2016-ka ay doorasho ka dhici doonto dalka, waxaana musharixiinta doorashada u tartameysa ka mid ah madaxweynaha haatan xilka haaya Xasan Sheekh Maxamuud oo raba afarta sano ee soo socota inuu markale xilka sii haayo.

error: Content is protected !!