Cali Warancadde “Aniga ma doonayo inaa noqdo wakiilka Somaliland u fadhin doona dalka Itoobiya..”

Kadib isku shaan-dheyn iyo xil-ka qaadis uu madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo ku sameeyay golihiisa wasiiradda ayaa wasiiradii xilalka looga qaaday waxaa ka mid ahaa wasiirkii arrimaha gudaha ee maamulkaas Cali Maxamed Warancadde.

Cali Warancadde ayaa sida la ogyahay ka mid ahaa wasiirada ugu awoodda badan islamarkaana ugu fir-fircoonaa ee maamulka Somaliland, islamarkaana muddo dheer xilal wasiirnimo oo kala duwan kasoo qabtay maamulkaas.

Wareegto uu habeenkii xalay soo saaray madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa xilkii wasiirnimo looga qaaday Cali Warancadde, isagoona kadib loo magacaabay xilka cusub ee wakiilka maamulka Somaliland u fadhiya dalka Itoobiya.

Qoraal uu Cali Warancadde soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayuu ku sheegay inuu soo dhaweynayo xil ka qaadista lagu sameeyay, lana shaqeeynayo wasiirka cusub Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir, balse aanu dooneynin xilka loo magacaabay oo ah wakiilka maamulka Somaliland u fadhiya dalka Itoobiya.

“Aniga ma doonayo inaa noqdo wakiilka Somaliland u fadhin doona dalka Itoobiya, balse waxaa iga go’an inaan u shaqeeyo shacabka reer Somaliland oo aan joogo dalka gudihiisa”Ayuu Cali Warancadde kusoo qoray bartiisa uu ku leeyahay Facebook-ga.

Si kastaba ha ahaatee, ilaa iyo haatan ma jirto war kasoo baxay madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Siilanyo, kaas oo ku aadan diidista Warancadde, iyadoona hadal-heynta ugu weyn deegaanada Somaliland ay maanta tahay wareegtadii xilalka looga qaaday qaar ka mid ah golaha wasiirada ee maamulkaas.

error: Content is protected !!