Ciidanka DANAB oo howlgal culus ka fuliyay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug (SAWIRO)

Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegayaa in ciidamada Kumaandooska ee loo yaqaano DANAB iyo kuwa nabad sugida maamulka Puntland ay weerar xoogan ku qaadeen guri uu deganaa sarkaal la sheegay inuu Al-shabaab u qaabilsanaa qaraxyada iyo dilalka qorshaysan ee ka dhaca magaaladaas.

Taliska ciidanka DANAB iyo kuwa nabad-sugidda maamulka Puntland oo warbaahinta la hadlay ayaa u xaqiijiyay in mudooyinkii ugu dambeysay ay ku raad-joogeen ninkaan magaciisa lagu sheegay Nuur Deeq, oo Al-shabaab u qaabilsanaa dilalka ka dhaca magaalada Gaalkacyo.

Gaari Land Cruiser

Dhinaca kale, sarkaal u hadlay ciidanka howlgalka wada ayaa sheegay in weli lagu raad joogo ninkaasi balse baaritaan ay ku sameeyeen gurigiisa ay kasoo qabteen gaari noociisu yahay LAND-CRUISER, hub iyo 2 taargo oo uu marba mid isticmaali jiray.

Ilaa iyo haatan ma jiraan warar sheegaya in gacanta lagu soo dhigay ninkaasi ay ciidanku raadinayaan iyo inkale, balse mudooyinkii ugu dambeysay waxaa magaalada Gaalkacyo kusoo badanaayay dilalka qorsheysan ee loo geysanaayay shaqsiyaadka wax-tarka u leh bulshada halkaas ku nool.

Qoryo Iyo Taargooyin Gaari

error: Content is protected !!