Madaxweyne Xasan “Al-shabaab waaye kii la dhaho ee lasoo qabto, waxaa daba ordaayo, sheekha, xildhibaanka, wasiirka, ganacsadaha reerkiisa..”

Madaxweynaha dowladda federaalka Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka digay in laga daba yimaado xubnaha ka tirsan Al-shabaab ee ay ciidanka dowladda Soomaaliya kusoo qabtaan howlgaladda ay ka fuliyaan qeybaha kala duwan ee dalka.

Waxa uu madaxweyne Xasan Sheekh sheegay marka ay ciidanka dowladda soo qabtaan xubnaha ka tirsan Al-shabaab inay ka daba yimaadaan wasiiro, xildhibaano, siyaasiyiin iyo ganacsato, iyagoo ku doodaya in wax dambi ah uusan laheyn qofka Shabaabka ka tirsan oo ay ciidanka dowladda soo qabtaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in dowladda aysan heysan doonin qof dambi aan lagu heyn, laakiin mararka ay dhacdo Shabaab ay soo xireen ciidanka dowladda inay soo daayaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, kuwaas oo ku doodaya inay garanayaan oo qofka wax dambi ah uusan laheyn.

“Anaga oo dhan waxaa mushkilad ku dhignay waan qabiilaysanahay, Al-shabaab waaye kii la dhaho ee lasoo qabto, waxaaa daba ordaayo, sheekha, xildhibaanka, wasiirka, ganacsadaha reerkiisa, war adiga yaa kuu sheegay inuusan Shabaab aheyn ka leexo waa la baaraa hadii uusan wax dambi ah laheyn waa la soo deynaa oo cid haysanaysa malahan, laakiin hadii dambi lagu helo qaanuunka iyo sharciga noo yaalo ayaa la marsiinaa” Sidaas waxaa yiri madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhinaca kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay Al-shabaab inay qaldeen dhalinyarada Soomaaliyed oo ay  adeegsadaan falal guracan, sida inay u diraan xubnaha ehelkooda ah ee dowladda ku jira oo ay uga diraan arrimo jaajuusnimo iyo inay dilkooda u adeegsadaan.

Si kastaba ha ahaatee, inta badan xubnaha ka tirsan Xarakada Al-shabaab oo ay ciidanka dowladda soo qabtaan ayaa waxaa u dooda xubno isla dowladda ka tirsan, halka qaarkoodna si caadi ah looga sii daayo xarumaha ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

error: Content is protected !!