Axmed Madoobe iyo Sheekh Xasan Xaamud oo maanta kormeeray saldhigyadda booliska ee Kismaayo (SAWIRO)

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo taliyaha ciidamada booliska dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee saldhiga magaalada Kismaayo oo haatan talis guud u ah ciidamada booliska Jubbaland ee magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha Jubbaland iyo Taliyaha ayaa booqday qaybta isgaarsiinta ciidamada booliska iyadoo madaxweynahu uu si toos ah ula hadlay saldhigyada ciidamada booliska ee Muqdisho, B/weyne, Jowhar, Carmo iyo Baydhabo, isagoo ka xog waraystay sida ay saakay ku waabariisteen iyo xaaladaha guud ee magaaloyinkaas.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sarakiisha ku sugnaa saldhigyada kala duwan ee Soomaaliya kula dardaarmay inay laba jibaaran hawlaha Qaran ee ay hayaan isla markana ay ku dadaalan sidii qalabka ay isticmaalayaan uu u noqon lahaa mid xafidan oo aan cadawga u gudbin.

Intaas kadib Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam iyo taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed waxaa ay kormeereen qaybaha tababarka waaxda dambi barista iyo qaybta mando musiko iyadoo uu madaxweynahu uu dhamaan warbixino ka dhagaystay Sarakiisha iyo hogaanada kala duwan oo qaybaha ciidamada booliska Jubbaland.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ahana taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee Jubbaland wuxuu sheegay inay muuqato rajo ah in ay soo noqonayso haybadii ciidamada booliska Soomaaliyeed oo waliba ku hawlgalaya adeegyo casri ah, wuxuuna cusay in ay abuurayso jawi muujinaya in ay soo noqonayso xasiloonidii dalka.

Balse Madaxweynahu wuxuu cadeeyay in loo bahan yahay in la xafido dhamaan qalabka ciidamada gaar ahaan isgaarsiinta oo uu sheegay in hadii cadawga ay u gacan gasho ay tahay dhabar jab weyn loona bahan yahay in masuuliyad la iska saaro.

——DHAMAAD—–

Kormeer-Ciidan-Jubbaland Kormeer-Ciidan-Jubbaland01 Kormeer-Ciidan-Jubbaland02 Kormeer-Ciidan-Jubbaland03 Kormeer-Ciidan-Jubbaland04 Kormeer-Ciidan-Jubbaland05 Kormeer-Ciidan-Jubbaland06 Kormeer-Ciidan-Jubbaland08 Kormeer-Ciidan-Jubbaland09 Kormeer-Ciidan-Jubbaland10 Kormeer-Ciidan-Jubbaland11 Kormeer-Ciidan-Jubbaland12 Kormeer-Ciidan-Jubbaland13 Kormeer-Ciidan-Jubbaland14 Kormeer-Ciidan-Jubbaland15 Kormeer-Ciidan-Jubbaland16

error: Content is protected !!