DEG DEG:- Banaanbax aad u balaaran oo haatan ka soconaayo magaalada Hargeysa

Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa sheegaya in halkaasi uu goordhaw ka bilawday banaanbax aad u balaaran.

Banaanbaxaasi oo ay ka qeyb-qaadanayaan boqolaal ruux ayaa ah mid looga soo horjeedo isku shaandheyntii uu dhawaan sameeyay madaxweynaha maamulkaasi Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed Siilaanyo).

Madaxweyne Siilaanyo ayaa isku-shaandheynta uu sameeyay waxa uu xilalka kaga qaaday wasiiro caan ka ah maamulkaasi, kuwaas oo in muddo ah siyaasadda maaamulkaasi ku dhex jiray.

Sida aynu warar hoose ku heleyno banaanbaxaan ayaa ah mid looga soo horjeedo xil ka qaadistii lagu sameeyay wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Somaliland Cali Maxamed Warancadde.

Banaanbaxyaashaasi ayaa sheegaya in wasiiradda uu soo magacaabay madaxweyne Siilaanyo ay yihiin kuwo aan tayo lahayn islamarkaana dib u dhac galin kara horumarka Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, dhawaan ayaa wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo waxaa xilalkii looga qaaday wasiiro ka tirsan maamulkaasi, halka qaar kalena xilalkii loo kala badalay.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah.

error: Content is protected !!