Israsaaseyn qasaare ka dhashay oo maanta ka dhacday degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho

Israsaaseyn muddo kooban socotay islamarkaana sababtay dhimashada laba qof oo shacab ah ayaa maanta ka dhacday agagaarka suuqa Ansalooti oo ku yaala degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

Goob-joogayaal la hadlay warbaahinta Bulshoweyn xarunteeda Muqdisho ayaa u sheegay in israsaaseyntaasi ay bilaabatay kadib markii ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya iyo kooxo burcad ah oo ku labisan dharka ciidanka ay halkaasi isku fara-saareen.

Kooxahaasi burcada ah ayaa la sheegay inay dadka shacabka ah ka qaadanayeen teleefoonadda gacanta ah ee Mobile-ka, waxaana labada qof ee ku geeriyootay ay kala ahaayeen nin wade ka ahaa mootada loo yaqaano Bajaajka iyo nin rakaab ah oo mootadaasi la socday.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxihii burcada ahaa ee gaarayay ilaa 3 nin ay goobta isaga baxsadeen, iyadoona maamulada degmooyinka X/jajab iyo Waaberi aysan weli ka hadlin israsaaseyntaas maanta ay labada qof ee shacab ku geeriyootay.

error: Content is protected !!