Mursal Sheekh Maxamed “C/raxmaan Odawaa waa kii ka yiri Hobyo dagaal ayaan ku qaadaa Dhuusa-mareeb oo nabad-diid ayaa jooga..”

Wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo maalintii shalay gaaray magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee maamulka Galmudug ayaa la sheegay in uljeedada uu halkaasi u gaaray ay tahay sidii wada-hadalo uu ugu furi lahaa culumaa’udiinka Ahlu-sunna Waljamaaca iyo maamulka Galmudug.

Afhayeenka maamulka gobolada dhexe ee Ahlu-sunna Waljamaaca Mursal Sheekh Maxamed Xeefow oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa uu colaad ka hurinayo gobolada dhexe ee Soomaaliya.

Wuxuu afhayeenku sheegay in maamulka Ahlu-sunna aysan wax wada-hadal la gali doonin, dad uu ku sheegay inay yihiin dad aan wanaag laga sugeynin.

“Wax wada-hadal ah lama fureyno Galmudug sidii aan horey u sheegnay, C/raxmaan Odawaa waa kii  ka yiri Hobyo dagaal ayaan ku qaadaa Dhuusa-mareeb oo nabad-diid ayaa jooga, marka wax wanaag ah kama sugeyno”  Sidaas waxaa yiri afhayeenka maamulka Ahlusunna Waljamaaca Mursal Sheekh Maxamed Xeefow.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa weli guul ka keeni la’ inay maamulka Ahlu-sunna Waljamacaa ku qanciso inay wadahadal la furaan maamulka Galmudug, inkastoo la sheegayo in Ahlu-sunna ay rabaan in laga qanciyo waxyaabaha ay tabanayaan.

error: Content is protected !!