Koox hubeysan oo nin ganacsade caan ah habeenkii xalay ku dilay magaalada Muqdisho

Koox la sheegay inay ku hubeysnaayeen toorey ayaa habeenkii xalay nin ganacsade oo caan ah ku dilay agagaarka xaruntii hore ciidanka asluubta Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Kooxdaan ayaa sida la sheegay u dhacay guriga ninkaasi ganacsadaha ahaa, saacada markii ay aheyd 1:00 habeenimo, waxayna ilaa seddax jeer caloosha ka geliyeen tooreey.

Ninkaasi oo magaciisa lagu sheegay Daahir Axmed Jimcaale ayaa sida la sheegay ahaa ganacsade caan ah oo Carwo weyn ku lahaa isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Kooxdii dilka geysatay ayaa sidoo kale guriga marxuumka ka qaatay alaabo yar yar, islamarkaana goobta isaga baxsaday kadib markii qoyskii guriga joogay ay qeylo iyo buuq bilaabeen.

Ilaa iyo haatan lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysay in ninkaasi la dilo, mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilka loo geystay Allaha u naxariistee Daahir Axmed Jimcaale oo ahaa ganacsade si weyn looga yaqaanay magaalada Muqdisho.

error: Content is protected !!