Kulan xasaasi ah oo maanta wada yeeshay C/raxmaan Odawaa iyo Maxamed Xaashi Carabey

Waxaa maanta magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee maamulka Galmudug kulan xasaasi ah ku yeeshay wasiirka arrimaha gudaha ee xukumadda federaalka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) iyo madaxweyne ku-xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey.

Labada dhinac ayaa sida la sheegay ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin doorashooyinka xildhibaanada baarlamaanka cusub iyo qaabka loo wajahayo wada-hadalada loo furayo maamulada Ahlusunna Waljameeca iyo Galmudug.

Kulankaasi oo ahaa mid albaabada u xiran islamarkaana ay saxaafadda dibad-joog ka ahayd ayaa lagu gorfeeynayay sidii loo wajahi lahaa labadaasi qodob, iyadoona ilaa iyo haatan aan la ogeyn natiijadii kasoo baxday kulankaasi.

Dhinaca kale, ilaa iyo haatan si dhab ah looma oga qaabka loo marayo wada-hadalada labada maamul ee Ahlusunna Waljameeca iyo Galmudug, inkastoo ay wasaaradda arrimaha gudaha sheegtay inay waddo dadaalo dheeraad ah oo lagu heshiisiinaayo labadaasi dhinac.

Si kastaba ha ahaatee, maamulka Ahlusunna Waljameeca waxa uu haatan gacanta ku haayaa degmooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel oo labadoodaba ka wada tirsan gobolka Galgaduud, iyadoona Ahlusunna ay hore u sheegtay inaysan marnaba wada-hadal la gali doonin maamulka Galmudug, lamana oga sida ay ku suurto gali karto wada-hadaladaas.

error: Content is protected !!