Madaxweyne C/weli Gaas oo Garoowe shirar kala duwan kula yeeshay siyaasiyiin iyo odayaal dhaqameed

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay shirar kala duwan oo lagu soo xulaayay xildhibaanada baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ka imaan doono deegaanadda maamulkaas.

Kulamadaasi oo ay magaalada Garoowe ku yeesheen madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas, Siyaasiyiinta iyo Odayaasha dhaqanka maamulkaasi, ayaa si qoto dheer uga wada-hadlay xubnaha maamulka Puntland u matali doono Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Siyaasi C/qaadir Sheekh Ismaaciil oo qeyb ka ahaa kulamaadaasi oo warbaahinta Muqdisho la hadlay ayaa sheegay in madaxweyne Gaas ay kala hadlayeen soo xulitaanka xildhibanada baarlamaanka cusub ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo inaan la musuq-maasuqin xubnaha ka imaanaya beelaha halkaasi degga.

Wuxuu sidoo kale siyaasi C/qaadir Sheekh tilmaamay in wax natiijo ah aysan kasoo bixin shirkii madasha madaxda qaran ee dhawaan lagu soo gaba gabeeyay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Puntland ayaa sida la sheegay xaq u leheed inay hesho ilaa 11 xubno oo Aqalka Sare u matala, waxaana la sheegay in 2 kale loogu daray, taas oo xubnahaasi looga badiyay maamulada kale ee dalka, inkastoo madaxweyne C/weli Gaas beeniyay arrintaas.

error: Content is protected !!