Wasiirka arrimaha gudaha C/raxmaan Odawaa oo warqad digniin ah kasoo saaray dhul la isku haysto (AKHRISO)

Warqad kasoo baxday xafiiska wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa lagu sheegay inaan la bur-burin karin dhulka la isku haysto ee ku yaala inta u dhaxeeysa Tarabuunka iyo dugsiga sare Banaadir oo ku yaala degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.

Warqadaasi oo uu soo saxiixay wasiirka arrimaha gudaha C/raxmaan Odawaa ayaa u muuqata mid uu wasiirku ku fara-gelinaayo dhulkaasi islamarkaana uu ku xad-gudbaayo hay’adaha ku shaqada leh ee maamulka gobolka Banaadir.

Dhulkaasi ayaa la sheegay inay haatan gacanta ku hayso maxkamada gobolka Banaadir iyo guddi u xil-saaran arrimaha muranka dhulalka, iyadoona ilaa iyo haatan aan la ogeyn uljeedadda rasmiga uu wasiirka digniinta uga soo saaray dhulkaas.

Hadaba nuqul ka mid ah warqadaasi digniinta ah oo heshay warbaahinta Bulshoweyn ayaa u qoran sida hoos ku xusan:-

Digniin-Wasaarada-Arrimaha-Gudaha

error: Content is protected !!