Weerar qorsheysan oo ay ka qeyb qaateen ciidamo cadaan ah oo ka dhacay duuleedka magaalada Kismaayo

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa weerar culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamo cadaan ah oo garab ka helaaya ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo ka dhacay deegaanka Cabdalla Biroole oo qiyaastii 60km u jirta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

Weerarkaasi ayaa sida la sheegay ahaa mid lagu bar-tilmaameed-sanayay ciidanka Al-shabaab ee ku sugan deegaanka Cabdalla Biroole ee ku yaala duuleedka magaalada Kismaayo, waxaana ciidankaasi huwanta ah ay weerarka ku qaadeen fariisimo ay Xarakada Al-shabaab ku leeyihiin deegaankaas.

Mid ka mid ah dadka deegaanka Cabdalla Biroole oo diiday inaa magaciisa u adeegsano warbaahinta ayaa inoo sheegay in weerarkaasi uu markii dambe isku badalay dagaal toos ah oo u dhaxeeyay ciidanka huwanta ah oo ay qeyb ka yihiin ciidamo cadaan ah iyo kuwa Xarakada Al-shabaab.

Sidoo kale, xiriir aynu la sameynay saraakiisha ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa inoo sheegay in weerarkaasi uu kaga dhaawacmay hal askari oo ka tirsan ciidankooda gaar ahaan kuwa DANAB, halka dhinaca Al-shabaabna ay sheegeen inay ka gubeen hal gaari oo ay wateen islamarkaana ay askar ka dileen.

Dhinaca kale, Al-shabaab ayaa sheegtay inay dileen sarkaal ka tirsan ciidamada Mareykanka ee weerarka kusoo qaaday fariisinkooda, kadib markii ay dagaal culus kula galeen deegaanka Cabdalla Biroole ee duuleedka magaalada Kismaayo.

Al-shabaab ayaa sidoo kale sheegtay inay gubeen gaari noociisa uu yahay Beebe islamarkaana ay wateen ciidamada Kenya, kadib markii ay u dhigeen weerar jidgal ah oo ka dhacay inta u dhaxeeysa deeganada Yaqraar iyo Shabeelow oo ka tirsan gobolka J/hoose.

Si kastaba ha ahaatee, dagaalka ka dhacay deegaanka Cabdalla Biroole ee duuleedka magaalada Kismaayo ayaa haa mid qorsheeysan, waxaana ay saraakiisha dowladda federaalka Soomaaliya sheegeen in weerarkaasi uu u dhacay sidii loogu talo galay, iyadoona xaaladda deegaankii lagu dagaalay uu saakay yahay mid caadi ah islamarkaana uu jawigeedu degan yahay.

error: Content is protected !!