Golaha ammaanka ee QM oo si kulul uga hadlay dib-u-dhaca ku yimid doorashada dalka Soomaaliya

Qoraal kasoo baxay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in goluhu uu aad uga xun yahay dib u dhaca ku yimid doorashada dalka Soomaaliya ka dhici lahayd bisha October iyo September ee 2016-ka.

Dib u dhaca ku yimid doorashooyinka Soomaaliya ee tan madaxweynaha iyo kuwa baarlamaanka Soomaaliya ayuu golaha amaanka ee QM ku sheegay inuu yahay wax aad looga xumaado, waxayna dalbadeen in dhinacyada kala duwan ee madaxda Soomaaliya ay fuliyaan in doorashadu ku dhacdo waqtigii loo qabtay, iyadoo wax dib u dhac ah aan lahayn.

Dhinaca kale, ilaa 15 xubnood oo ka mid ah golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxay soo saareen Bayaan lagu sheegay in lagama maarmaan ay tahay markii la gaaro sanadka 2020-ka in doorasho hal qof hal cod ah ay ka dhacdo dalka Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, qoraalkaan kasoo baxay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kusoo beegmaya xilli doorashada la qorsheeyay inay dalka Soomaaliya ka dhacdo bisha August iyo September dib loogu dhigay bisha October iyo November, iyadoona weli laga cabsi qabo inay dib uga sii dhacdo xilligaas.

error: Content is protected !!