Maamulka Puntland oo digniin ka diray socdaalkii Axmed Siilaanyo ee magaalada Laascaanood

Maamulka Puntland ayaa si kulul uga hadlay socdaalkii madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed Siilaanyo) uu ku tagay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxtooyadda Puntland ayaa lagu sheegay in madaxweyne Siilaanyo uu daan-daansi waddo, islamarkaana uu tagay dhul ay leedahay Puntland.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Puntland aysan marnaba u dul-qaadan doonin daan-daansiga cad oo ay Somaliland ka wado gobolada Cayn iyo Sool.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa maagaalada Laascaanood ee gobolka Sool u tagay arrimo ku aadan inuu dadka halkaasi ku nool kala hadlo diiwaan gelinta doorashada Somaliland oo 23-ka bishaan bilaaban doonta.

Maamulka Puntland ayaa ku doodaya in deegaanada gobolada Cayn iyo Sool ay yihiin dhul ay leedahay Puntland, islamarkaana la joojiyo xad-gudubka ay Somaliland ka wado deegaanadaas.

Dhinaca kale, maamulka Puntland ayaa ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya iyo beesha caalamka in wixii dhacaa uu mas’uuliyadeeda qaadi doono madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Si kastaba ha ahaatee, war-saxaafadeedkaan loogu digaayo maamulka Somaliland ayaa kusoo beegmaya xilli maanta magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ay gaareen wafdi uu hogaaminaayo madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, taas oo Puntland aad uga carootay.

error: Content is protected !!