Wafdi uu hogaaminaayo madaxweyne Axmed Siilaanyo oo maanta ku wajahan magaalada Laascaanood

Wafdi uu hogaaminaayo madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed Siilaanyo) ayaa maanta lagu wadaa inay booqasho ku tagaan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Wafdiga madaxweyne Siilaanyo oo ka kooban xubno ka tirsan golaha wasiiradda Somaliland ayaa sidoo kale maalintii shalay booqasho ku tagay deegaanada Bari ee Somaliland.

Sidoo kale wafdigaasi ayaa maanta laga sugayaa inay tagaan magaalada Laascaanood, halkaas oo ay horay ugu sugnaayeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Somaliland.

Dhinaca kale, wasiirka warfaafinta ee maamulka Somaliland C/laahi Cismaan Saxardiid oo la hadlay warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in safarka madaxweyne Siilaanyo ee magaalada Laascaanood uu la xiriiro arrimaha diiwaan galinta doorashooyinka Somaliland.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in madaxweyne Siilaanyo uu halkaasi kulamo kula qaadan doono odayaasha iyo siyaasiyiinta magaalada Laascaadood, iyadoona maanta magaaladaasi laga dareemayaa u diyaar garowga wafdiga madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo halkaasi kusoo fool leh.

error: Content is protected !!