Wafdi uu hogaaminayo wasiir Odowaa oo maanta si aan caadi ahayn looga soo dhaweeyay degmada Godinlabe ee gobolka Galgaduud (SAWIRO)

Wafdi uu hogaaminaayo wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa maanta gaaray degmada Godinlabe oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Waxaa wafdiga wasiir Odawaa ka mid ahaa madaxweyne ku-xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Cabdi Xaashi Carabeey iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Booqashada wafdiga wasiir Odowaa ee degmada Godinlabe ayaa ah sidii loo dhageeysan lahaa bulshada ku dhaqan degmadaasi, iyo xaqiijinta heshiiskii laga gaaray shaqaaqadii dhawaan halkaasi ka dhacday.

Dadweyne fara badan ayaa wafdigaasi si aan caadi ahayn ugu soo dhaweeyay degmada Godinlabe oo ka tirsan gobolka Galgaduud, iyagoona sidoo kale sacab iyo caleemo qoyan kusoo dhaweeyey wafdiga wasiir Odowaa ee maanta halkaasi gaaray.

Wafdi-Odowaa-Godinlabe Wafdi-Odowaa-Godinlabe-01
Wafdi-Odowaa-Godinlabe-03 Wafdi-Odowaa-Godinlabe-04 Wafdi-Odowaa-Godinlabe-05 Wafdi-Odowaa-Godinlabe-06 Wafdi-Odowaa-Godinlabe-07 Wafdi-Odowaa-Godinlabe-08 Wafdi-Odowaa-Godinlabe-09 Wafdi-Odowaa-Godinlabe-10 Wafdi-Odowaa-Godinlabe-11 Wafdi-Odowaa-Godinlabe-12 Wafdi-Odowaa-Godinlabe-13 Wafdi-Odowaa-Godinlabe-14 Wafdi-Odowaa-Godinlabe-15 Wafdi-Odowaa-Godinlabe-17 Wafdi-Odowaa-Godinlabe-18 Wafdi-Odowaa-Godinlabe-19 Wafdi-Odowaa-Godinlabe-20 Wafdi-Odowaa-Godinlabe-21 Wafdi-Odowaa-Godinlabe-22 Wafdi-Odowaa-Godinlabe-23 Wafdi-Odowaa-Godinlabe-24 Wafdi-Odowaa-Godinlabe-16

error: Content is protected !!