Xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan maamulka Khaatumo oo ku dhawaaqay is-baheysi looga soo horjeedo Prof. Galeyr

Wararka naga soo gaaraya magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn ayaa waxay sheegayaan in qaar ka mid ah wasiirada maamulka Khaatumo ay ku dhawaaqeen is-baheysi looga soo horjeedo madaxweynaha maamulkaasi Prof. Cali Khaliif Galeyr.

Kulan ay magaalada Buuhoodle ku yeesheen wasiirada iyo xildhibaanda ka tirsan maamulka Khaatumo ayaa waxay ku shaaciyeen inay kasoo horjeedaan wadahadalada uu Prof. Cali Khaliif Galeyr la furay maamulka Somaliland, waxayna sheegeen inay ka hortagi doonaan diiwaan-gelinta ay Somaliland ka bilaabeyso gobolada Sool iyo Sanaag.

Sidoo kale, mas’uuliyiintaan oo ka kooban xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan maamulka Khaatumo ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Cali Khaliif Galeyr inuu yahay nin aanay afkiisa iyo dhegahiisa is-maqlin, waxayna kula taliyeen inuu ka noqdo waan-waanta uu ka doonayo inuu la galo maamulka Somaliland.

Dhinaca kale, tan iyo wixii ka dambeeyay markii madaxweynaha maamulka Khaatumo Prof. Cali Khaliif Galeyr uu wada-hadalka la furay maamulka Somaliland waxaa magaalada Buuhoodle ka dhacay gadood weyn, iyadoo ay kala qeybsameen beelaha dega gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Si kastaba ha ahaatee, lama oga sida uu xaalka ku dambeyn doono, iyadoona muddoyiinkii ugu dambeysay ay soo baxayeen baaqyo kala duwan oo loo jeedinaayo madaxweynaha maamulka Khaatumo Prof. Cali Khaliif Galeyr, kaas oo looga digayaayo wada-hadalka uu la furay maamulka Somaliland.

error: Content is protected !!