DEG DEG:- Laba qarax oo aad u xoogan oo goordhaw ka dhacay waqooyiga Gaalkacyo iyo rasaas dhaceysa

Waxaa goordhaw laba qarax oo aad u xoogan ay ka dhaceen dhinaca waqooyi ee magalaada Gaalkacyo, gaar ahaan xarunta dowladda hoose ee Puntland ee ku taala magaaladaasi.

Qaraxyadaasi oo ahaa kuwa loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa midka koowaad waxa uu ku qarxay afaafka hore ee xarunta dowladda hoose ee Puntland oo ku taala waqooyiga magaalada Gaalkacyo, waxaana qaraxaasi sidoo kale xigay rasaas iyo qarax kale oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo isla goobta meel u dhaw ku qarxay.

Ilaa iyo haatan lama oga qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay labadaasi qarax iyo sidoo kale rasaasta meesha ka dhacday.

Labadaasi qarax ayaa sida la sheegay ahaa qaraxyo aad u waaweyn inkastoo aysan haatan suurto-gal ahayn in la ogaado qasaaraha dhabta ah uu geystay.

Waxaa weli goobta laga maqlayaa rasaas dhaceeysa, waxaana rasaastaasi is-weydaarsanaya kooxihii weerarka soo qaaday iyo ciidamada maamulka Puntaland, waxaana weli adag in la ogaado qasaaraha halkaasi ka dhashay.

Faah faahinta qaraxyadaan dib kala soco wararkeena dambe Insha Allaah

error: Content is protected !!