DEG DEG:- Qarax xoogan oo daqiiqado kahor ka dhacay magaalada Muqdisho

Waxaa daqiiqado isgoyska Fagax ee magaalada Muqdisho ka dhacay qarax bam gacmeed lagu weeraray ciidamo boolis ah oo ku sugnaa isgoyskaasi, waxaana qaraxaasi ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Goobjooge ku sugan agagaarka goobta uu qaraxa ka dhacay islamarkaana la hadlay warbaahinta Muqdisho ayaa xaqiijiyay inay jiraan dhaawacyo badan oo soo gaaray dad shacab ah iyo ciidamo oo goobta qaraxa laga qaaday, balse lama oga tirada dhimasho ee uu geystay qaraxaas.

Qaraxa kadib, ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya ayaa rasaas dhowr jiho u riday, lamana oga cidii wax ku noqotay rasaastaas.

Si kastaba ha ahaatee, qaraxaan ayaa kusoo beegmaya xilli maanta madaafiic hoobiyaal ah lagu weeraray xarunta wasaaradda gaadiidka cirka iyo dhulka ee ku taalo degmada Shangaani ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo geystay qasaare nafeed iyo maalba leh.

error: Content is protected !!