Faah faahin kasoo baxaysa madaafiic maanta lagu weeraray wasaaradda gaadiidka ee Shangaani (SAWIRO)

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa dhowr madaafiic hoobiyaal ah oo maanta lagu weeraray xarunta wasaaradda gaadiidka cirka iyo dhulka ee ku taalo degmada Shangaani ee magaalada Muqdisho.

Madaafiicdaasi oo sida la sheegay gaarayay ilaa 10 hoobiye, ayaa sida la sheegay qaarkood ku dhaceen xarunta wasaaradda, halka qaar kalene ay ku dhaceen xaafado ka tirsan degmada Shangaani.

Inta la xaqiijiyay waxaa ku dhaawacantay ilaa 5 ruux, waxaana sidoo kale ku bas-beelay laba ka mid ah gaadiidka ay lahaayeen shaqaalaha wasaaradda.

Gawaarida dab-damiska ayaa soo gaaray xarunta wasaaradda gaadiidka cirka iyo dhulka ee degmada Shangaani, waxayna markii dambe ku guuleysteen inay baqtiyaan dabkii xarunta ka kacay.

Gaari-Wasaarada-Gaadiidka01

Ilaa iyo haatan lama oga goobaha laga soo tuuray madaafiicdaas hoobiyaha ah, iyadoona weerarkaasi ay durbadiiba sheegteen Xarakada Al-shabaab.

Dhinaca kale, ma jiraan wax war ah oo saraakiisha amaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya kasoo saareen weerarkaasi maanta lagu qaaday xarunta wasaaradda gaadiidka cirka iyo dhulka ee ku taalo degmada Shangaani ee magaalada Muqdisho.

error: Content is protected !!